4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo maanta safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya dalka Mareykanka

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku gaaro magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booqashadiisan ayaa imaaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hasse ahaatee la leeyahay waxaa uu sameeyay is badal weyn oo mudo intaa la eg aan wali horay dalka uga dhicin, gaar ahaan dhinacyada dib-u-heshiisiinta iyo dhowrista xuquuqda Madaniga ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddada uu joogo dalka Mareykanka waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato dadka ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya laakiin ku dhaqan Mareykanka isaga kala hadli doono ka qeyb-qaadashada hormarada kala duwan ee dalka socda.

Gaar ahaan magaalada Minneapolis ayaa la filayaa in ra’iisal wasaaruhu uu kula shiro Jaaliyadaha ka soo kala jeeda Qowmiyada Soomaalida iyo Oromada oo waayadii ugu danbeeyayba dirir xooggan-ni ka dhax soctay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]