Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Warshaddii
Furaash-yadda ee Hargeysa ku taalla ayaa xallay xili dambe dab ka
qarxay,inkastoo aanu khasaare badan soo gaadhin cidna waxba ku noqon.
Warshadan Fuuraashadda oo ku taalla koonfurta
magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Maxamed Mooge ayaa xalay habeen badhkii
dab ka qarxay ay qaybo ka mid ahi gubatay, wallow aanu gaadhin qaybta warshadda.
Ciidamada Dam-damiska iyo ciidanka Booliska ayaaa
gurmad balaadhan u fidiyey, waxaanu taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland
Axmed Sawaaxili sheegay inay dagaal ay la galeen dabka ay ka badbaadiyeen inuu
sii fidiyo,isla markaana aanu gaadhin qalabkii muhiimka ah, inkastoo qaybta
kaydka ama alaabta la dhigaakhasaare soo gaadhay.
“Warshadda Furaashadda waxa ka kacay dab, waxaana
sii caawiyey inuu dabku sii bato kimikadda laga sameeyo Furaashadda, waxaanu
nimid dabkii oo aad sii badanaya, nasiib wanaaag lix meelood baanu ka soo
weerarnay, sidaas ayaanu ku bakhtiinay, warshadii waxba may noqon, intii
alaabta la dhigayey uun baa gubatay”ayuu yidhi taliyaha ciidanka Dab-damiska
Somaliland Sawaaxili.
Madaxda warshaddan ayaa sheegay in inta badan la
badbaadiyey warshadda marka laga reebo wax soo saarkii shalay oo u badan inta
gubatay, waxaanay sheegeen inay hore laba jeer oo kale warshadu gubatay oo ay
ku shuf beeshay.
Warshadan waa markii labaad ee gubatay, iyadoo
wakhtiyaadaasi aanay jirin dab-damis u gurmadda., haseyeeshee xalay la
badbaadiyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.