4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay in ay qoysas afduubteen

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Waxaa soo baxaya eedeymo ay u jeedinayaan ciidamada Kenya qoysaska 46 ruux oo lagu la’yahay howlgalo ciidamada ka sameeyeen gobolka xeebta ah oo lagu baacsanayay kooxo ka tirsan Argagixisada iyo burcad.

Xarun u doodda Xuquuqda Aadanaha oo lagu mgacaabo Haki Afrika ayaa sheegtay in dadka la la’yahay, ay kasoo jeedaan Lix degaan oo ka mid ah gobolka xeebta, kuwaasoo laga yaabo iney Af-duubteen Laamaha ammaanka Kenya.

Laakiin saraakiisha ciidamada Kenya ayaa eedeymahan iska difaacay iyaga oo sheegay in ciidamadu mar walba u taagan yihiin difaaca dadka iyo hantidooda, taa badalkeedana aysan ku dhaqaaaqi karin arrimo ka soo horjeeda.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay dilal qarsoodi ah ka sameeyaan gobollada xeebta iyo Waqooyi Bari, iyagoo ku eedeeya in a yihiin gacan-saar dhow la leeyihiin ama ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada.

Kenya waxaa howlgalo ka fuliya kooxo ay ka mid yihiin Al-shabaab, waxaana taa badalkeeda ay ciidamadu qaadaan howlgalo ay ku baacsanayaan kooxaha weerarka soo qaaday, inta ay howlgaladaa socdaan-na waxaa jira dad la waayo oo eheladooda aysan meel-na ku sheegin, laakiin marka danbe siyaabo kala duwan loo helo warka ku saabsan geeriyooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]