4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Agaasime Wasaaradeed oo musuq-maasuq loo xiray

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka soo qabtay agaasimihii Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Hay’adda Dambi Baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u Dejinta Barakacayaasha,lagu soo eedeeyay musuq–maasuq xatooyo sida hadalka loo dhigay.

Agaasimaha ayaa lagu soo eedeeyay in uu lusaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Dollar).

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan hore ku cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay ee loo soo qabto arrimo la xiriira musuq maasuq muddada ay dowladda-ni jirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]