Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) –Wali waxaa
soconaya dagaallada iyo iska horimaad-yada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo
Soomaalida, waxaana saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in maleeshiyo ka
tirsan Qowmiyada Oromada ay dileen Afar Ruux oo Soomaali ah.
Afartan ruux ayaa la sheegay in lagala degay
gaari ay la socdeen oo ka soo anbabaxay degmada Nagleyle sida uu warbaahinta u
sheegay Sheekh Cali Adan Baallo oo ay qaraabo dhaw yihiin dadka la dilay ee
Soomaalida ah.
Waxaa uu intaa ku daray in ay sii daayeen Aabe
iyo Labadiisa caruur ah oo sida uu hadalka u dhigay ay garan waayeen, iyaga oo
sidoo kalana diiday in la aaso meydadka afarta ruux.
‘’Militar-ga ayaan ku war-galinay arintan, markii
ay u tageen-na waa loo diiday in meydka lagu soo wareejiyo oo loo aaso’’ ayuu
yiri Sheekh Aadan.
Dowladda Itoobiya iyo maamulka Oromada ayaa waxaa
lagu eedeynayaa inay sheeda ka daawanayan dhibatooyinka iyo dilalka loo
geysanayo Soomaalida, maadaama dhawr mar cabashooyin loo gudbiyay ay ka soo
jawaabi waayeen.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]