4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2018
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo xilka ka qaaday Wasiirkii Waxbarashada

 

Khamiis, July, 26, 2018 (HOL) – Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cali Khayre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska ra'iisal wasaaraha  ayaa lagu sheegay  in uu xilka wasaaradda si KMG u soo heyn doono Wasiiru- dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegtada xil ka qaadista.

Xil ka qaadista ayaa imaneysa xili maalintii shalay Wasiirka uu ka sheegay warbaahinta in uusan aqoonsaneyn dhamaan Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto xitaa Jaaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]