4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Akhriso : Magacyada 10ka Ardey ee ugu sareysa natiijada Imtixaankii Shahaadiga ee dowladda

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)-Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.

Wasiirka, ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]