4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Qarax dulleedka Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan militari-ga Soomaaliya

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)– Wararka dheeraad ah ayaa ka soo baxay goor dhaw oo maanta ah dulleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada militari-ga dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka iyo ilaaladiisa la bartilmaameesaday la socdeen gadiid kuwa dagaalka ah, halka wararka kale oo soo baxaya-na sheegayaan sarkaalka waqtiga xiligaa uu ku sugnaa goob Timo-Jare ah, hasse ahaatee waxaa weerarkaa uu dhaawacyo fudud ka soo gaaray sarkaalka iyo saddex ilaaladiisa ka mid aheyd.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan illaa hadda. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa.

Qaraxyada loo adeegsado miinada iyo gaadiidka ayaa inta badan lagu bartilmaameesadeen ciidamada dowladda marka ay ku safrayaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]