Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)– Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa casho-sharaf ku maamuusay aqoonyahanno, isugu
jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin kasoo kala jeeda dalal kala
duwan oo caalamka ah, kuwaas oo lagu marti-qaaday carwadda caalamiga ah
ee bandhigga Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo
toddobaadkan laga furay magaaladda Hargeysa.
Kulan casho sharafta waxa madaxweynaha ku
wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin, guddoomiyaha
xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo xubno boqol ka
badan oo kamid ah martida ajaanibka ah ee carwadaa caalamiga ah ee Buugaagta
Hargeysa lagu marti-qaaday.
Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa,Jaamac Muuse Jaamac ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xarun ahaan ugu jiraan inay
Somaliland kusoo jeediyaan indhaha caalamka iyo sida ay martida ajaanibka ah ee
dalka timaaddaa ula dhacsan yihiin nabadda iyo horumarka ka tisqaaday
Somaliland oo rejo iyo yidiilo cusub ku beera cid kasta oo dalka timaadda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland,
Dr. Sacad Cali Shire ayaa dalka ku soo dhoweeyey martida ajaanibka ah ee
Somaliland timid.
“Dhammaan aqoonyahanka, hal-abuurka, filim
sameeyayaasha iyo dadka aqoonta badan ee dalalka kala duwan ka yimi ee
carrigayaga nagu sharfay inay yimaaddaan waxaan leeyahay soo dhawaada, kusoo
dhawaada dal nabad ah, Dimuqraaddi ah, aragti horumarineed ku socda,
nabadgeliya caalamka, jecelna inuu caalamka wax la qabsado, haddana aan la
aqoonsan, laakiin iyagu is aqoonsan, ogna inay maalin cidi waliba aqoonsan
doonto.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.
Waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxa ay kasoo
bilaabantay 28-sano ka hor meel adag, waayo-arag badan bay ku qaadatay sida
nabadda loo dhiso ee colaadaha loo damiyo, waxaana ay waayo-arag ku tahay sida
haykalka dawladeed loo dhiso oo laga soo bilaabo meel Eber ah, iyada oo aanay
gacan shisheeye soo gelin, cidina aanay ka taageerin, waxaana ay diyaar u tahay
inay waayo-aragnimadaas u gudbiso jaararkeeda iyo dalalka kale ee adduunka oo
ay kamidka tahay walaalahayaga Soomaaliya oo ay dhibaato badani haysato oo aanu
wax badan uga tari lahayn, laakiin ay na dabrayso aqoonsi la’aanta caalamku…
Waxaanu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo
khilaafaadka gudihiisana xallista, caalamka iyo jaarkayagana waxa aanu ugu
baaqaynaa nabad, horumar iyo is-kaashi caalami ah.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.