11/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Muuse Biixi '' Somaliland waayo arag ayeey ku tahay sida Nabada loo dhiso



Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa casho-sharaf ku maamuusay aqoonyahanno, isugu jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo lagu marti-qaaday carwadda caalamiga ah ee bandhigga Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo toddobaadkan laga furay magaaladda Hargeysa.

Kulan casho sharafta waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin, guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo xubno boqol ka badan oo kamid ah martida ajaanibka ah ee carwadaa caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu marti-qaaday.

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa,Jaamac Muuse Jaamac ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xarun ahaan ugu jiraan inay Somaliland kusoo jeediyaan indhaha caalamka iyo sida ay martida ajaanibka ah ee dalka timaaddaa ula dhacsan yihiin nabadda iyo horumarka ka tisqaaday Somaliland oo rejo iyo yidiilo cusub ku beera cid kasta oo dalka timaadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa dalka ku soo dhoweeyey martida ajaanibka ah ee Somaliland timid.

“Dhammaan aqoonyahanka, hal-abuurka, filim sameeyayaasha iyo dadka aqoonta badan ee dalalka kala duwan ka yimi ee carrigayaga nagu sharfay inay yimaaddaan waxaan leeyahay soo dhawaada, kusoo dhawaada dal nabad ah, Dimuqraaddi ah, aragti horumarineed ku socda, nabadgeliya caalamka, jecelna inuu caalamka wax la qabsado, haddana aan la aqoonsan, laakiin iyagu is aqoonsan, ogna inay maalin cidi waliba aqoonsan doonto.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxa ay kasoo bilaabantay 28-sano ka hor meel adag, waayo-arag badan bay ku qaadatay sida nabadda loo dhiso ee colaadaha loo damiyo, waxaana ay waayo-arag ku tahay sida haykalka dawladeed loo dhiso oo laga soo bilaabo meel Eber ah, iyada oo aanay gacan shisheeye soo gelin, cidina aanay ka taageerin, waxaana ay diyaar u tahay inay waayo-aragnimadaas u gudbiso jaararkeeda iyo dalalka kale ee adduunka oo ay kamidka tahay walaalahayaga Soomaaliya oo ay dhibaato badani haysato oo aanu wax badan uga tari lahayn, laakiin ay na dabrayso aqoonsi la’aanta caalamku… Waxaanu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo khilaafaadka gudihiisana xallista, caalamka iyo jaarkayagana waxa aanu ugu baaqaynaa nabad, horumar iyo is-kaashi caalami ah.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.







Click here
7/25/2018 4:23 PM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) – Tababarkan ama Aqoon-is-Weydaarsigan oo ay ka qeyb-gallaan Warbaahinta Dowliga ah, kuwa madax-bannaan iyo culima’uudiin lagu-na baranayay habka wacyi-galinta iyo ka hortaga gudniinka Fircooniga ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Muqdisho.

7/25/2018 2:52 PM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) - Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

7/25/2018 10:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Wararka dheeraad ah ayaa ka soo baxay goor dhaw oo maanta ah dulleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada militari-ga dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Ceelasha Biyaha.

7/25/2018 8:29 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hindaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa markii ugu horeysay sheegay in aysan jirin Jaamacad ay aqoosan tahay Wasaaraadiisa, xitaa marka lagu duro Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed oo hoos-tagta dowladda Soomaaliya.

7/25/2018 7:31 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Michael Keating oo wada-hadal gaar ah ay yeesheen.

7/25/2018 7:07 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.

7/25/2018 5:39 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG uu abuurayo guddiga dhaqaalaha Qaranka.

7/25/2018 2:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Kooxda dab damiska dalka Gariiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay goob kayn ah ay imika koradhay.

7/25/2018 1:14 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

7/25/2018 12:56 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)-Labo dhalinyaro Soomaali ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Africa sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa.

7/25/2018 12:53 AM EST
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.