4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Cabdiweli Gaas iyo Michael Keating oo ka wada-hadlay xaaladda Tukaraq

 


Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Michael Keating oo wada-hadal gaar ah ay yeesheen.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga iyo xaaladda deegaanka Tukaraq , halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland.

"Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay danjire Michael Keating .. waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay Gaalkacyo, horumarka hay'adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, ha noqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, ha noqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda , waxaasoo dhan baan ka wada hadlana." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo kulanka marka uu soo dhammaaday la hadlay warbaahinta.

Cabdiweli, waxaa uu inta ku daray in arrinta Tukaraq ay ku dheeraadeen ka hadlideeda, wuxuu caddeeyay Puntland inaysan wada-hadal ka gali doonin deegaannadeeda ee u sheegay inay ku suganyihiin Soomaaliland, "Waxaa uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaaladda deegaanka Tukaraq oo uu maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla'markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland ka tirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda." ayaa lugu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyadda Puntland oo kulanka looga hadlay.

Gabagabadii, Danjire Michael Keating oo warbaahinta la hadlay ayaa boggaadiyay horumarka ka jira Puntland , waxaa kalo uu ammaanay xaaladda amni ee gobolka Mudug, isagoo ku dhiirrigaliyay ciidamada isku dhafka ee labada dhinac shaqada muhiimka ah ee ay ka qabteen amniga,sidoo kale Michael Keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka talagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qeyb uga noqdaan go'aan ka gaadhista masiirkooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online