4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo soo saaray xeer lagu dhisayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG uu abuurayo  guddiga dhaqaalaha Qaranka.

Xeerkan oo ku taaariikheysan in uu soo baxay 12kii bishan July waxaa lagu faafiyay qaab dhismeedka uu noqonayo guddiga Dhaqaalaha Qaranka.

Guddigan ama golaha ayaa la sheegay in ay noqon doonaan kuwo kala taliya dowladda arrimaha la xiriira siyaasada Dhaqaalaha iyo Maaliyadeed ee dalka.

Golaha ayaa la sheegay in uu ka koobnaan doono guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Madaxda dowlad gobolleedyada iyo Ilaa iyo Shan xubnood oo la sheegay in ay noqon doonaan La taliyayaal lagu soo xushay aqoontooda.,

Golahan ayeey shaqadiisu noqon doonta oo kaliya in uu dowladda kala taliyo Dhaqaalaha iyo diyaarinta Istiraatijiyada Dhaqaalaha iyo Siyaasada Maaliyadeed ee dalka.

Qodobada uu gaar ahaan kala talin doono dowladda ayaa lagu sheegay 1:-Sidda ugu Haboon ee loo hanan karo himilooyinka Dhaqaale iyo Siyaasada Maaliyada 2:-Waxaa uu kala saari doonaa shuruucda Arrimaha Federaalka ee la xiriira Dhaqaalaha iyo Kheyraadka dalka, 3:-Waxaa uu dowladda ka caawin doonaa guddigan u hogaansanaanta qawaaniinta gudaha iyo dibeda e la xiriira arrimaha Dhaqaalaha.

Qoraalka waxaa ku saxiixan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]