4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Tirada dhimashada dabkii ka kacay Gariiga oo koradhay

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) – Kooxda dab damiska dalka Gariiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay goob kayn ah ay imika koradhay.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in tirada ku dhimatay dabkaasi ka kacay meel u dhaw Athens ay imika gaartay 74 qof.

Dab-kani ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 200 qof.

Xukuumadda Gariiga ayaa sheegtay in dabkani burburiyay magaalooyiin iyo tuulooyiin laga yaabo in si ula kac ah loo bilaabay.

Dadka dhintay ayaa wax ka mid ah 26 qof oo maydkooda hal goob laga helay magaalada Mati.

Waxaa la rumaysan yahay in dadkani ay isku dayeen in ay dabka ka baxsadaan balse holaca uu ka xoog badiyay.

Rai'sul wasaaraha dalka Gariiga ,Alexis Tsipras, ayaa ku tilmaamay dabkani musiibo naxdin leh.

Xigashada Warkan : BBC