Duqeyn diyaaradeed oo xalay fiidkii ka dhacday deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe
Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) –Sida laga soo xigtay dadka
deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka
Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la
wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa
sheegay in ay ka hor inta aysan maqal jugta gandaallada ay deegaanka dul mareen
waa sida ay hadalka u dhigeen diyaarado dagaal, kuwaa oo u muuqday in ay
bartilmaameedsanayeen xoogagga Al-shabaab oo deegaanka isaga baxay ka hor inta
aysan diyaaraduhu weerarin.
Al-shabaab ayaa ku dhawaad Labo
saacadood ku sugnaa gudaha deegaanka Qalimoowka hor inta aysan isaga bixin xalay fiidkii,
iyaga oo dadka deegaanka ku war-galiyay in aysan wax macaamil ah la yeelan
dowladda federaalka iyo maamulka gobolka ka jira.
Deegaankan Qalimoow 30km ayuu
degmada Balcad ka xigaa dhinaca magaalada Jowhar, waxaana ku dhaqan dad u badan xoolo dhaqato, waana marin isku xira labada degmo ee Jowhar iyo Balcad.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]