4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 25, 2018
Bandow lagu soo rogay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Arbaco, July, 25, 2018 (HOL) -Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xir xiran xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadinaya.

Horay maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xiray Jeelkan oo ahaa ugu ballaaran oo ay ku xir-xirnaayeen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xiriirka-na la leh Ururrada mucaaradka.

Balse dadkan cabanaya ee rabshadaha ka dhagay Jigjiga ayaa ku doodaya in ay wali jiraan dad ku jira gacanta maamulka, islamarkaana loo geysanayo tacadiyo kala duwan.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]