4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugida Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay in uu horay taliye uga soo noqday nabad-sugida degmada Waabari, iyadoo ay goobta ka baxsadeen raggii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tagay goobta uu falku ka dhacay hasse ahaatee ma jirin dad loo qabtay toogashada sarkaalkan.

Dhacdadan ayaa imaneysa xili madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in leysku furo dariiqyada Muqdisho oo intooda badan laga qaaday ciidamadii horay ugu sugnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]