4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Ciidamada Kenya oo gubay xarun ay lahayd shirkadda Hormuud, laba qofna ku dilay halkaasi

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa manta waxa ay weerareen xarun shirkadda Hormuud ay ku lahayd deegaan lagu magacaabo Dhuuntoow oo ku yaal inta u dhexeeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Dhamase, waxaana ay halkaasi ku gubeen qalabkii yaallay xaruntaasi, ayagoo sidoo kale toogtay laba qof oo xarunta ku sugnaa oo mid kamid ah uu ahaa shaqaalaha Hormuud, sida ay inoo xaqiijiyeen madax ka tirsan shirkadda xafiiskeeda gobolka Gedo.

Mid kamid ah saraakiisha shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhanka amniga la  xiriira ayaa HOL u sheegay in ciidamadu aysan u sheegin wax sabab ah maamulka shirkadda Hormuud.

Ninka ka tirsanaa shaqaalaha Hormuud ee ay ciidamada Kenya toogteen ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxiin Xasan Cali (Xiis), ayadoo ninka kale ee shacabka ah ee ay ciidamadu dileen oo la sheegay in uu aroos ahaa oo uu ku jiray todobo lagu magacaabi jiray Baxar Iidoor.

Xiriiro aan la sameynay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan shirkaddan ayay inoo xaqiijiyeen dhacdadan, wallow ay ka cudur daarteen in magacyadooda la xigto.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo aan la xiriirnay waxay inoo sheegeen in ay wadaan baaritaanno, ayagoo ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan arintaasi.

Waxaa ilaa hadda hawada ka maqan isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee degmada Ceelwaaq iyo deegaanada ku xeeran, maadaama la burburiyay Laantii soo gaarsiin jirtay qadka hadalka.

Hiiraan Online News Desk,