Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Hogaamiyayaasha
Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka
heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo
Eritrea iyadoo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa
bogaadiyay.
Sida uu qoray Wargeyska The
Gulf-News ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweyne Isaias Afwerk ayaa si heer
sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Isku-taga Imaaaraadka Carabta oo ay ku joogaan
booqasho rasmi ah.
Dhaxalsugaha Imaaradda ayaa ka
sheegay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen saddaxda hogaamiye in dowladda
Imaaraadku gacan weyn ka geysatay heshiiska labada dowladood, islamarkaana
taageerayaan dadaal kasta oo heer caalami ah oo nabad iyo degenaasho lagu
doonayo.
Shirkan oo ka dhacay Aqalka
Boqortooyada ayaa sidoo kale waxaa saddexda hogaamiye ku wehlinayay taliyaha
ciidamada oo shirka hormuud u ahaa, Wasiiro ka tirsan Saraakiil sar
sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.
Labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea
ayuu xiriirkoodu xumaan in ka badan 20 sano, iyadoo uu dhax-maray dagaal culus
oo lagu hoobtay, kaa oo ku saleynaa muran dhinaca xadka ah oo muddo dheer-ba
dhax yeelay labada dal.
Laakiin Abiy Ahmed ayaa markii uu
la wareegay tallada dalka tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday-ba noqotay in
uu soo celiyo xiriirkii labada dowladood, isaga oo heshiis rasmi ah oo nabadeed
la gaaray madaxweyne Afwerk
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]