9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku shiray Abu-Dhabi


 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.

Sida uu qoray Wargeyska The Gulf-News ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweyne Isaias Afwerk ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Isku-taga Imaaaraadka Carabta oo ay ku joogaan booqasho rasmi ah.

Dhaxalsugaha Imaaradda ayaa ka sheegay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen saddaxda hogaamiye in dowladda Imaaraadku gacan weyn ka geysatay heshiiska labada dowladood, islamarkaana taageerayaan dadaal kasta oo heer caalami ah oo nabad iyo degenaasho lagu doonayo.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Boqortooyada ayaa sidoo kale waxaa saddexda hogaamiye ku wehlinayay taliyaha ciidamada oo shirka hormuud u ahaa, Wasiiro ka tirsan Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea ayuu xiriirkoodu xumaan in ka badan 20 sano, iyadoo uu dhax-maray dagaal culus oo lagu hoobtay, kaa oo ku saleynaa muran dhinaca xadka ah oo muddo dheer-ba dhax yeelay labada dal.

Laakiin Abiy Ahmed ayaa markii uu la wareegay tallada dalka tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday-ba noqotay in uu soo celiyo xiriirkii labada dowladood, isaga oo heshiis rasmi ah oo nabadeed la gaaray madaxweyne Afwerk

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/24/2018 1:13 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

7/24/2018 1:05 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxa ay weerareen xarun shirkadda....

7/24/2018 8:39 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

7/24/2018 4:19 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.

7/24/2018 3:59 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL)–Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/24/2018 3:42 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL) – Laacib-ka reer Jarmal ee lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa sheegay in uusan ka sii mid ahaan doonin oo uu isaga baxay xulka Qaranka ee Jarmalka, sababo la xiriira in uu la kulmay naceyb iyo waliba cunsuri-nimo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu la kulmay madaxweynaha Turkiga.

7/24/2018 1:48 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka war-helay in xilka laga qaadayo.

7/24/2018 1:20 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii shalay Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

7/24/2018 12:43 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Kulan looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.

7/24/2018 12:29 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen sarakiil ka tirsan Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.