9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Itoobiya: Hub iyo malaayiin dollar oo la qabtay


 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.

Howlgallo laga fuliyay gudaha iyo dibadda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lugu soo qabtey ku dhowaad $ 10 milyan oo doolar oo caddaan ah, iyo hub gaaraya illaa 1,000 oo isugu jira qoryaha fudud ,kuwa daran-dooriga u dhaca iyo 80,000 oo rasaas ah.

Taliyaha booliska federaalka Itoobiya, Zeenu Jemal ayaa xaqiijiyay howlgalka lugu soo qabtay hubka iyo lacagta caddaanka ah inay ka qeyb-qaateen hay'adda sirdoonka iyo amniga qaranka Itoobiya ee NISS iyo bilayska gobolka Oromia oo taageero ka helaya dadweynaha, wuxuuna inta ku daray in la qabtay dadkii watey lacagta iyo hubka, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan.

Booliska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in hubka loo soo galiyay Itoobiya, dalalka Suudaan iyo Jabuuti si ay u abuuraan xasillooni la'aan,  waxaana dhacdadaan ay ku soo aaddaysa xilli ay taagan-tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada  Itoobiya.

Iman Jama, Hiiraan Online








Click here
7/24/2018 1:13 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee maanta degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

7/24/2018 1:05 PM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxa ay weerareen xarun shirkadda....

7/24/2018 11:04 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.

7/24/2018 8:39 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

7/24/2018 3:59 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL)–Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

7/24/2018 3:42 AM EST
Talaado, july, 24, 2018 (HOL) – Laacib-ka reer Jarmal ee lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa sheegay in uusan ka sii mid ahaan doonin oo uu isaga baxay xulka Qaranka ee Jarmalka, sababo la xiriira in uu la kulmay naceyb iyo waliba cunsuri-nimo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu la kulmay madaxweynaha Turkiga.

7/24/2018 1:48 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka war-helay in xilka laga qaadayo.

7/24/2018 1:20 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii shalay Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

7/24/2018 12:43 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Kulan looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday Ururrada Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.

7/24/2018 12:29 AM EST
Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen sarakiil ka tirsan Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.