4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2018
Cayaar-yahan Mesut Ozil oo ka baxay xulka Qaranka ee Jarmalka

 

Talaado, july, 24, 2018 (HOL) – Laacib-ka reer Jarmal ee lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa sheegay in uusan ka sii mid ahaan doonin oo uu isaga baxay xulka Qaranka ee Jarmalka, sababo la xiriira in uu la kulmay naceyb iyo waliba cunsuri-nimo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu la kulmay madaxweynaha Turkiga.

Ozil oo 29 sano jir ah ayaa ka mid ahaa xiddigihii kaalin-weyn ka qaatay una suurta-galiyay Jarmalka in ay ku guuleystaan Koobka Aduunka sanadkii 2004ka, isaga oo sidoo kalana marar xig xigtay ilaa shan jeer ee ilaa 2011kii.

Wuxuu sheegay in uu helay ama ay soo gaareen fariimo naceyb iyo waliba hanjabaado isugu jira, taasoo keentay in uu qaato go’aanka ah in gabi-ahaanba uu isaga baxo xulka Qaranka dalka Jarmalka.

Go’aankan uu uga fariistay ka sii mid ahaanshaha xulka Qaranka dalka Jarmalka ayuu ku sheegay in uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee uu qaato abid, lana wadaagayo taageerayashiisa.

Ozil ayaa marka laga soo tago in uu udub dhaxaad u ahaa kubadda xulka Qaranka Jarmal-ka dhinaca kale waa Laacib weyn oo ka tirsan kooxda ka dhisan dalka Britain ee Arsenal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]