4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Taliye Gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL)–Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Yamani oo la sheegay in uu ahaa taliyihii laanta socotada ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu waramayaa in 22kii bishan uu gaari iyo hub kala baxsaday madaxtooyada Puntland, kaddib markii uu ka war-helay in  xilka laga qaadayo.

Warkan oo lagu daabacay Shabakada PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in sarkaalkan uu kala baxsaday madaxtooyada gaari noociisu ahaa Lancheser V8, 6 qori oo AK47 ah iyo 5 Baastooladood.

Taliyaha ayaa gaariga iyo hub-ka uu kala baxsaday madaxtooyada Puntland la tagay markii danbe dhinaca deegaanka Balli –Busle ee oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hasse ahaatee odayaasha deegaanka ayaa markii danbe dib u soo celiyay gaariga oo ay ka qaadeen rag ganacsato ah oo sheegay in ay ku iibsadeen gaarigan lacag dhan $ 40 Kun oo dollar.

Gaarigan waxaa uu ka mid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu deeqday Puntland, kuwaa oo intooda badan la sheegay in laga iibiyay dad ganacsato ah oo ku sugan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Puntland ayaa horay u sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta gadiidka iyo guud ahaanba hantida dowlad gobolleedka, hasse ahaatee waxaa muuqata in gadoodka saraakiisha iyo ciidamada Puntland uu meesha ka saaray go’aanka mamulka ee ah in la ciqaabi doono cidii ku xadgudubta hantida maamulka oo uu gaadiidku ka mid yahay.

Ma jiro wali wax war ah oo maamulka Puntland uu ka soo saaray sarkaalkan la sheegay in uu kala baxsaday madaxtooyada gadiidka iyo hub-ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]