4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2018
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii cuslaa ee shalay ka dhacay Baar-Sanguuni

 

Talaado, July, 24, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso weerarkii cuslaa ee Aroornimadii hore ee Isniintii shalay Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ee deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sii war-hayeen lagu-na jabiyay xoogaggii weerarka soo qaaday oo markii hore ku bilaabay weeraarkooda gadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

“Guul- darro weyn ayeey kala kulmeen Al-shabaab dagaalkii shalay ka dhacay Baar-Sanguuni wali-na ciidamada oo iskaashanaya waxaa ay ku raad joogaan firxadka kooxihii weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.’’

Aadan Isaaq Cali oo ah ku-simaha xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii shalay ee Baar-Sanguuni lagu dilay 87 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland u suurta-gashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta saldhigyadii lagu dagaalamay, taasoo macnaheedu noqonyo in Al-shabaab markii hore u suurtagashay in ay qabsadaan saldhig-yada ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Al-shabaab dhinacooda Afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhigay Baar-Sanguuni.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]