4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Aqoon-is-Weydaarsi ku saabsan ka hortaga gudniinka Gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho


Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo baxay warka ku saabsan in Daaqa Daahir Nuur oo 10 sano jir aheyd ugu geeriyootay gobollada dhexe dhiig-bax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay, ayaa waxaa sii xoogeystay dhaq-dhaqaaqa iyo Ololaha ka dhanka ah sidii loo joojin lahaa dhaqanka ku dhax faafay bulshada ee gudniinka darran ee Gabdhaha.

Hadaba hay’adda Ifrah Foundation oo u Ololeysa sidii gabi –ahaanba looga takhlusi lahaa gudniinka darran ama {Fircooniga] ayaa soo qaban-qaabisay kulamo wacyi-galin ah iyo aqoon-isweydaarsi ku saabsan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa arintan caqabada ku ah mustaqbalka iyo nolasha hablaha Soomaaliyeed.

Ololahan ayaa waxaa qeybta ugu weyn ka qaadanaya culimada Diinta iyo bahda warbaahinta oo marka la eego labaduba muhiim u ah ka wacyi-galinta bulshada caadooyinka ama dhaqamada xun ee aan raaadka ku laheyn shareecada Islaam-ka.

Ifrah ahmed oo ah aas-aasaha hay’adda Ifrah Foundation oo u ololeysa sidii loo soo afjari lahaa gudniinka gabdhaha ayaa tiri’’ Waxaa la joogaa waqtigii hogaamiyayaasheena Diinta ay ka qeyb-qaadan lahaayeen difaaca Gabdhaha, waad ogtihiin Gabar 10 sano jir ah ayaa dhiig-bax arintan dardeed ugu dhimatay, sidaa daraadeed waa in aan dhamaanteen isugu soo baxnaa sidii aan u difaaci laheyn gabdhahee-na’’

Kulamada looga arinsanayay dhameynta iyo baabi’inta gudniinka fircooniga waxaa qeyb ka ahaa sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradaha, Diinta, Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Dhalinyarada iyo Cayaaraha .

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sharci adag ka soo saari doonto arintan, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo horgey doono baarlamaanka.

Wakiil ka socday hay’adda UNICEF Jean Lokenga ayaa yiri’’ Rag iyo Dumar, gaar ahaan dhalinyarada, Culimada, hogaamiyayaasha siyaasada iyo warbaahinta guud ahaan waa in laga wada howlgalaa sidii loo badbaadin lahaa nolasha Gabdhaha, Soomaali-yana looga dhigi lahaa meel ka caagan gudniinkan’’

Qeybaha War-baahinta Soomaaliya ee Aqoon-is-weydaarsigan ka qeyb-qaadanaya ayaa lagu dhiiri-galinayaa in fariinta arintan ku saabsan gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.

Kulamadan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee sidan oo kale leysugu soo baxo kaddib markii uu soo baxay Warka ku saabsan dhimashada gabdhaha 10 sano jirka ah ee sababsatay dhaqan-kan bulshada ku dhax faafay ee gudniinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]