Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay 87 dagaalyahan oo ka trisanaa Al-shabaab
Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Dowladda
Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar culus oo Aroornimadii
hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo
kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo
Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in ciidamada oo
ka foojignaa weerarkan horey-na uga sii war hayay halkaa ku dileen sida uu
hadalka u dhigay 87 dagaalyahan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.
Weerarka ayuu sheegay in uu ku
bilaawday labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, iyadoo intaa kadib-na
uu bilaawday iska horimaad toos ah oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa
Al-shabaab.
Laakiin Al-shabaab dhinacooda
waxaa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen 27 Askari oo ka tirsanaa
ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray,
Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya
deegaanka Baar-Sanguuni ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland
oo rogaal celis ah u suurtagashay in ay dib ula wareegaan goobihii lagu
dagaalamay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]