4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Dowladda Soomaaliya oo burburisay xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sabtidii aynu soo dhaafnay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku bur-buriyeen saldhigyo iyo shabakad isku xiran oo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Qoryooley.

Maxamed Maxamuud Guutale oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa u sheegay warbaahinta ku hadashay afka dowladda Soomaaliya in howlgal  Qorsheysnaa ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ay ku xooganaayeen Al-shabaab halkaana ku bur-buriyeen  hub iyo saanad intaba.

‘’Howlgal Sabtidii dhacay ayaa ku bur burinay Shakabad Al-shabaab ay halkan ku lahaayeen [Qoryooley] sidoo kale intii uu howlgalku socday waxaan qabanay xubno iyaga ka tirsan, ‘’ ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidamada dowladda.

Laakiin wax faah faahin kama uusan bixin tirada xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee lagu qabtay howlgalka iyo haddii uu jiro khasaare dhinacooda soo gaaray intaba.

Al-shabaab ayaa lagu eedeynayaa in ay bur buriyeen Buundo muhiim u aheyd isku xirka gobolka intiisa kale iyo degmada Qoryooley kaddib markii ay miino ku xireen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]