4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Markab lagu duqeeyay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah lagu tuuray Markab taagnaa xeebta degmada Baraawe oo sida la sheegay sahay u siday ciidamada AMISOM ee deegaanka ka howlgala.

Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab madaafiic loo adeegsaday qoriga Hoobiyaha dhowr mar ku tureen jihada uu taagnaa Markab-ka, hasse ahaa lama oga in madaafiicdaasi haleeshay bartilmaameedkii lagu waday.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo la sheegay in uu Markab-kani u rarnaa.

Baraawe waxaa ay xarun u tahay maamulka Koonfur Galbeed oo hadda si KMG ugu shaqeeya magaalada Baydhabo, waana magaalo dalxiis oo leh deked iyo xeeb loo damashaad tago.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]