4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo dib ula wareegay deegaanka Baar-Zanguuni

Isniin, July, 23, 2018 (GOL) –
Deegaankan oo qiyaastii 54 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo oo ay saaka aroortii saacad kahor xilligii salaadda subax la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa saaka dib u qabsaday ciidamada dowlad federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Baar-Zanguuni ayaa saldhig u ahaa ciidamo ka tirsan taliska qeybta 43-aad ee xoogga dalka, ayadoo ciidamadu ay mudooyinkii u danbeeyay weerarro joogto ah kala kulmayeen Al-shabaab.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo sitay gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saaka weerar qorsheeysan la beegsaday saldhiggaasi, waxaana is rasaaseyn kadib u suurogashay in ay la wareegaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka ka baxay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaa oo u jiheystay dhanka deegaannada ay howlgalladu ka socdaan.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa HOL u xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen deegaanka, hadana ay howlgalladu ka soconayaan deegaano ku dhow dhow deegaankaasi.

Ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana saraakiishu ay inoo sheegeen in ay warbaahinta la hadli doonaan marka uu howlgalku soo gabagaboobo.

Ilo madaxa bannaan oo HOL u waramay ayaa sheegay in ay jiraan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi saaka, waxaana shabkaadda HOL ay idiin soo gudbin doontaa xog dhameystiran oo ku aadan weerarkaasi.

Shabaab ayaa shabakadda afkooda ku hadasha ku sheegtay in ay weerarkaasi ay ku dileen 27 askari.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.