4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Labo ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday dalka Canada

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Labo ruux oo ay ka mid tahay qof dumar ah ayaa dhintay ilaa 13 rux kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

Toogashada ayaa lagu waramayaa in ay ka dhacday saqdii dhexe habeennimadii Axadda agagaarka Danforth iyo Logan , qofka Labaad ee dhintay ayaa ahaa qof hubeysan.

Dhaawacyada ayaa la sheegay in ay daadsanaayeen goobo kala duwan oo ah halka ay toogashadu ka dhacday, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay xaaladoodu leedato.

Booliiska aya bilaabay in ay su’aalo weydiiyaan dad goobta ka agdhawaan si ay bal xog uga hellaan sida uu weerarku ku bilaawday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]