4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Ururka Al-shabaab oo sheegtay in 27 askari ay ku dileen weerar ka dhacay dulleedka Kismaayo

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar culus oo subaxnimadii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig militari oo ku yaala deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo ku dileen 27 Askari.

‘’Markii hore waxaan saldhiga ku weerarnay gaari Ismiidaamin ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaddib-na weerar toos ah ayaan ku qaadnay, Annaga oo la wareegnay saldhigga.  Askartii kale ee weerarka ka baxsatay waxaa ay u carareen dhulka howdka ah ‘’ ayuu yiri Abdicasiis Abumucab oo afhayeen u ah Al-shabaab.

Saldhig la weeraray ayaa 50 km u jira magaalo xeebeedka Kismaayo, mana jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo khasaare weerarkan ay ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]