Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan deegaanka Baar-Sanguuni Jubbada Hoose
Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa
subaxnimdii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda
iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland ku lahayeen deegaanka Baar-Sanguuni ee
dulleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka oo ay saldhig dhowr jiho uga soo qaadeen Al-shabaab
ayaa ku bilaawday gadiid qaraxyo laga soo buuxiyay, sida ay warbaahinta u
sheegeen dadka deegaanka oo intaa ku daray in uu halkaa ka dhacay iska horimaad
ballaaran.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku
heynta deegankaa Baar-sanguuni, kaddib markii ay dileen inta badan sida ay
hadalka u dhiggeen ciidamadii ku sugnaa
saldhigga la weeraray, halka kuwa kalana ay u firxadeen dhinaca deegaanka
Buula-Gaduud.
Laakiin dhinaca saraakiisha dowladda ee ku sugan
deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha ayaa beeniyay sheegashada
Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen Baar-Sanguuni, iyaga oo intaa ku daray in
uu ahaa weerar fashilmay oo dib leysaga caabiyay kooxihii soo qaaday.
Hasse ahaatee saraakiishu waxaa ay intaa ku
dareen in uu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, balse ma aysan sheegin tirada
rasmiga ah ee dhimashada inta ay ka war hayaan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo
gudbin doonnaa…
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]