11/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan deegaanka Baar-Sanguuni Jubbada Hoose


 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa subaxnimdii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland ku lahayeen deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ay saldhig dhowr jiho uga soo qaadeen Al-shabaab ayaa ku bilaawday gadiid qaraxyo laga soo buuxiyay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka oo intaa ku daray in uu halkaa ka dhacay iska horimaad ballaaran.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegankaa Baar-sanguuni, kaddib markii ay dileen inta badan sida ay hadalka u dhiggeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray, halka kuwa kalana ay u firxadeen dhinaca deegaanka Buula-Gaduud.

Laakiin dhinaca saraakiisha dowladda ee ku sugan deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha ayaa beeniyay sheegashada Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen Baar-Sanguuni, iyaga oo intaa ku daray in uu ahaa weerar fashilmay oo dib leysaga caabiyay kooxihii soo qaaday.

Hasse ahaatee saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen in uu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, balse ma aysan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada inta ay ka war hayaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/23/2018 12:55 PM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo baxay warka ku saabsan in Daaqa Daahir Nuur oo 10 sano jir aheyd ugu geeriyootay gobollada dhexe dhiig-bax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay, ayaa waxaa sii xoogeystay dhaq-dhaqaaqa iyo Ololaha ka dhanka ah sidii loo joojin lahaa dhaqanka ku dhax faafay bulshada ee gudniinka darran ee Gabdhaha.

7/23/2018 9:16 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Ururka Cilmi Baadhista Soomaaliyeed (SSIA) ayaa shirkiisii 13aad maanta uga furmay jaamacadda Hargeysa, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan boqol iyo konton aqoonyahan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi.

7/23/2018 8:48 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Malaayiin cayaankan ah ayaa ku foofa gur-yaha magaalada Xuddun kaas oo wixii uu soo gaadhaba baabiinaya.

7/23/2018 8:31 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar culus oo Aroornimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni oo Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.

7/23/2018 4:29 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL) –Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Sabtidii aynu soo dhaafnay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyeen saldhigyo iyo shabakad isku xiran oo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Qoryooley.

7/23/2018 3:31 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah lagu tuuray Markab taagnaa xeebta degmada Baraawe oo sida la sheegay sahay u siday ciidamada AMISOM ee deegaanka ka howlgala.

7/23/2018 3:26 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (GOL) –Deegaankan oo qiyaastii 54 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo oo ay saaka aroortii saacad kahor xilligii salaadda subax la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa saaka dib u qabsaday ciidamada dowlad federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

7/23/2018 2:45 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Labo ruux oo ay ka mid tahay qof dumar ah ayaa dhintay ilaa 13 rux kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

7/23/2018 1:50 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar culus oo subaxnimadii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig militari oo ku yaala deegaanka Baar-Sanguuni ee dulleedka magaalada Kismaayo ku dileen 27 Askari.

7/23/2018 12:41 AM EST
Isniin, July, 23, 2018 (HOL)-Ilaa Lix ruux oo Kalluumeysato Soomaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen xeebaha Puntland kaddib markii ay degtay Dooni ay wateen sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.