4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2018
Lix ruux oo Kalluumeysato ahaa oo ku dhintay xeebaha Puntland

 

Isniin, July, 23, 2018 (HOL)-Ilaa Lix ruux oo Kalluumeysato Soomaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen xeebaha Puntland kaddib markii ay degtay Dooni ay wateen sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Guure Cali Cumar oo ah guddoomiyaha deegaanka Gumbux ee gobolka Gardafuu oo ah halka ay dhimashadani ka dhacday ayaa sheegay in hal qof oo ka mid ahaa Lixdaa ruux ee geeriyootay meydkiisa la helay kaddib markii ay baddu soo caariday.

Waxaa uu sheegay in wali la la’yahay meydka ilaa shan ruux oo kale iyo Doonidii ay saarnaayeen, kuwaa oo wali ku baqan badda gunteeda hoose.

Mar wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday Lixdan ruux ay badda ku dhinten ayuu yiri’’ Dabcan waxaa lagu ogaaday in ay badda ku dhinteen kaddib markii la waayay waqtiggii ay ka soo laaban jireen shaqada, taasoo keentay in uu soo baxo tuhunkan ah in ay badda ku dhinteen.

Kalluumeysato aad u fara badan ayaa ku howlan ka kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale oo lagu guda jiro waqtiga Bad xiranka, taas oo Qatar ku keeneysa Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]