3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Madaxweyne Farmaajo : Waa in is badal lagu sameeyaa habka sugida amniga caasimadda


Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyo lala tamacsanaa shacabka

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/22/2018 12:35 PM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa ugu danbeyntii sii daayay dhalinyaro horaantii sanadkii 2017da lagu qabtay gaari xamuul ah oo qaraxyo siday, kaa oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/22/2018 8:27 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo maanta booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa ammaanay nabadgalyada ka jirta xarunta gobolka Mudug.

7/22/2018 8:03 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Iyadoo ay gaba-gabo ku dhaw yihiin cayaaraha Kubadda Cagta ee Somali Week ayaa garoonka Centinal Park ee magaalada Toronto waxaa isku arkay kooxaha Hilaac FC ee magaalada Toronto iyo Minnesota Twins oo ka socta magaalada mataanaha Minneapolis-St.Paul.

7/22/2018 6:51 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Boqor Burhan Boqor Muuse, ayaa goor dhow ku baaqay in laga qeyb-qaato siddii loo joojin lahaa colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuu caddeeyay dhibaatada ay la kulmayaan Soomaalida inay tahay wax aan indhaha laga qabsan karin.

7/22/2018 5:40 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhaw gaaray taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.

7/22/2018 5:00 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu booqday qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa isaga oo lugtii ugu horeysay safarkiisan lagu soo dhaweeyay magaalada Dakar ee dalka Senegal halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho Labo maalmood ah.

7/22/2018 2:51 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)–Iyadoo dhawaan guddiga Amniga Qaranka muddo 48 saac ah u qabteen in lagu furo jidadka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay waxaa laga qaaday ciidamadii ku sugnaa inta badan Isgoys-yada magaalada.

7/22/2018 1:46 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa laga sugaya inuu goor dhow soo gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida uu Hiiraan Online u sheegay sarkaal sare oo maamulka degmada ka tirsan.

7/22/2018 1:36 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Kulan looga hadlayay dhibaatada hablaha Soomaaliyeed uu ku hayo gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir in dowladdu sharci adag ka soo saari doonto arinta ku saabsan gudniinka fircooniga.

7/22/2018 1:16 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Hay’adda ayaa sheegtay in tan iyo baaqii Madaxweyne-ku-xigeen Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ee gurmadka duufaantii SAGAR ee sida daran u halakaysay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Awdal, ay hay’dda samo-falka ee Amoud Foundation in ka badan 2834 qoys (23,000 oo ruux) gaarsiisay raashin bil ah iyo hoy la dhisto.

7/22/2018 12:51 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii Brussels ee Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareysa dalka Soomaliya iyo wafuud ka kala soctay beesha caalamka.

7/22/2018 12:28 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Tiro ka badan 200 oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Guji ee dhulka Ismaamulka Qowmiyada Oromada, halkaa oo ay gabaad ka dhigteen.