4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Hirshabeelle oo lagu soo wareejiyay dhalinyaro muddo dheer u xirnaa maamul gobolleedka Puntland

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Maamulka gobolleedka Puntland ayaa ugu danbeyntii sii daayay dhalinyaro horaantii sanadkii 2017da lagu qabtay gaari xamuul ah oo qaraxyo siday, kaa oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Caruush Diiroow ayaa uga mahad celiyay dowlad gobolleedka Puntland sida ay aqbaleen codsigii ay u gudbiyeen ee ahaan in la sii daayo dhalinyarada oo aan wax danbi ah laheyn.

Agaasimaha oo dhalinyarada ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyay xor yihiin.

Guddoomiyaha Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa isna dhankiisa u mahad-celiyey maamullada Puntland iyo Hirshabelle, isaga oo sheegay in taallabadani tahay mid ka mara-kaceysa xiriir cusub oo u bilaawday labada maamul.

Dhalinyaradan ayaa isugu jiray darawalkii waday gaariga iyo caawiyayaashiisii, laakiin baaritaan dheer kaddib ayaa la ogaaday in aysan ka warqabin qarax-yada ku rarnaa gaariga oo si qarsoodi ah loo saaraay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]