4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Michael Keating " Labo sanno ka hor garoonka diyaaradaha uma dhaafin Gaalkacyo


Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo maanta booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa ammaanay nabadgalyada ka jirta xarunta gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in ay wax-badan iska badaleen ammaanka Gaalkacyo, isagoo warbaahinta kula hadlay saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidammada isku dhafka ah ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo , oo tan iyo howlgalkooda xasillooni ku soo dabaaley xarunta gobolka Mudug.

"Laba sanno ka hor mar aan imid Gaalkacyo, la iima ogolaan inaa soo dhaafo dhismaha gegida diyaaradaha, arrimo ammaani awgood, maanta na waxaan dhex marayaa bartamaha magaalada... waxaana u imid ayaa ah maanta inan ka gudbo xariiqinta garaan, wayna dhacday taas." ayuu yiri Michael Keating oo inta ku daray Qaramada Midoobay inay xoojineyso taageerrada ciidamada isku dhafka, wuxuuna u mahadceliyay maamullada Puntland iyo Galmudug ee wadajirka uga taliya Gaalkacyo.

Keating , waxaa socdaalka ku waheliyay saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed  oo dhankiisa ballan-qaaday taliska booliska inuu taageerrayo ciidamada isku-dhafka, waxaana inta kaddib ay wadajir kulama kula qaateen koonfurta Gaalkacyo xubno ka socday bulshada qeybaheeda ee labada dhinac oo ay kula dardaarmen sidii nabadgalyada looga shaqeyn lahaa.

Iman Jama,Hiiraan Online