4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Kooxda kubadda cagta ee Minnesota Twins oo muran ka keentay cayaartii ay wada dheeleen kooxda Hilaac FC

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Iyadoo ay gaba-gabo ku dhaw yihiin cayaaraha Kubadda Cagta ee Somali Week ayaa garoonka Centinal Park ee magaalada Toronto waxaa isku arkay kooxaha Hilaac FC ee magaalada Toronto iyo Minnesota Twins oo ka socta magaalada mataanaha Minneapolis-St.Paul.

Cayaartaas ayaa qaybtii hore ku dhammaatay Hal iyo Hal, Qaybti dambe ayaa kooxda Hilaac u suura-gashay in ay gool ka dhaliyaan kooxdii MN Twins.

Gabagabadii  cayaarta oo daqiiqado ka dhiman-tahay ayaa waxaa gool dhaliyey kooxdii MN Twins, garsoorihiina wuu ogolaaday goolkaas, laakin waxaa go’aankaas ka hor-yimid calan wadihii oo tilmaamay in cayaartooy ka tirsan kooxda MN Twin ay hobseed ku jireen. waxaan halkaas ka dhashay buuq xoog leh.

Xog wareysi ay HOL la yeelatay qaybo ka mid ah cayaartooydii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ay isku-raaceen in uu calan wadaha cayaartaas ku qaldamay oo caddaalad darro lagu sameeyey kooxda MN Twins.

 

Dagaal ayaa waliba dhex-maray qaar ka mid ah cayaartooydii halkaas ku sugnaa ayada oo markaas ay ururka TODAY oo cayaarta soo qaban-qaabiyey ay dajiyeen xiisaddii halkaas ka jirtay.

Qaar ka mid cayaartooyda MN Twins oo ay HOL la kulantay ayaa aad uga carooday caddaallad darada lagu sameeyey.

Waxaan manta cayaarta kama-dambeysta ee FINALKA wada cayaaridoona kooxaha kala ah Banaadir FC iyo Hilaac FC oo ka wada tirsan magaalada Toronto.

Ururka TODAY ayaa ilaa iyo hadda fahfaahin dheeraad ah ka bixinin cayaartii shalay ka dhacday garoonka Centennial Park ee magaalad Toronto oo dad-weynaha reer Toronto ay hadal hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]