3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Boqor Burhaan " Oromada ha- ogaadan sidda Soomaaliya loogu soo dhaweeyay'

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Boqor Burhan Boqor Muuse, ayaa goor dhow ku baaqay in laga qeyb-qaato siddii loo joojin lahaa colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuu caddeeyay dhibaatada ay la kulmayaan Soomaalida in ay tahay wax aan indhaha laga qabsan karin.

" Oromada halkan Soomaaliya waa lugu soo dhaweeyay nolal wanagsan ayayna heystaan.. waxaanse u sheegeyna in ay gaarsiiyaan farrinta ah inay Oromada ka waan-tooban dilka ay u geysanayaan dadka Soomaalida." ayuu yiri Boqor Burhaan oo ka hadlayay gogol nabadeed oo uu ugu fidiyay magaalada Qardho labo beelood oo degga gobolka Bari.

Colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, ayaa xoogeysatey toddobadyadii u dambeeyay , waxaana dagaallo dhexmarey ku dhintey dad badan oo Soomaali ah,iyadoo boqollaal kalana ay ka baracakeen colaadda.

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin gaaraysa 1,400 km.Labadan qowmiyadood ayaa inta badan ku dagaallama dhulka iyo kheyraadkiisa, gaar ahaan dhulka ay xoolohu daaqaan.

Iman Jama, Hiiraan Online

 













Click here
7/22/2018 1:35 PM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

7/22/2018 12:35 PM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa ugu danbeyntii sii daayay dhalinyaro horaantii sanadkii 2017da lagu qabtay gaari xamuul ah oo qaraxyo siday, kaa oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/22/2018 8:27 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo maanta booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa ammaanay nabadgalyada ka jirta xarunta gobolka Mudug.

7/22/2018 8:03 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Iyadoo ay gaba-gabo ku dhaw yihiin cayaaraha Kubadda Cagta ee Somali Week ayaa garoonka Centinal Park ee magaalada Toronto waxaa isku arkay kooxaha Hilaac FC ee magaalada Toronto iyo Minnesota Twins oo ka socta magaalada mataanaha Minneapolis-St.Paul.

7/22/2018 5:40 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhaw gaaray taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.

7/22/2018 5:00 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu booqday qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa isaga oo lugtii ugu horeysay safarkiisan lagu soo dhaweeyay magaalada Dakar ee dalka Senegal halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho Labo maalmood ah.

7/22/2018 2:51 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)–Iyadoo dhawaan guddiga Amniga Qaranka muddo 48 saac ah u qabteen in lagu furo jidadka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay waxaa laga qaaday ciidamadii ku sugnaa inta badan Isgoys-yada magaalada.

7/22/2018 1:46 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa laga sugaya inuu goor dhow soo gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida uu Hiiraan Online u sheegay sarkaal sare oo maamulka degmada ka tirsan.

7/22/2018 1:36 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Kulan looga hadlayay dhibaatada hablaha Soomaaliyeed uu ku hayo gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir in dowladdu sharci adag ka soo saari doonto arinta ku saabsan gudniinka fircooniga.

7/22/2018 1:16 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Hay’adda ayaa sheegtay in tan iyo baaqii Madaxweyne-ku-xigeen Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ee gurmadka duufaantii SAGAR ee sida daran u halakaysay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Awdal, ay hay’dda samo-falka ee Amoud Foundation in ka badan 2834 qoys (23,000 oo ruux) gaarsiisay raashin bil ah iyo hoy la dhisto.

7/22/2018 12:51 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii Brussels ee Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareysa dalka Soomaliya iyo wafuud ka kala soctay beesha caalamka.

7/22/2018 12:28 AM EST
Axad, July, 22, 2018 (HOL)-Tiro ka badan 200 oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Guji ee dhulka Ismaamulka Qowmiyada Oromada, halkaa oo ay gabaad ka dhigteen.