Axad, July, 22,
2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in maalmaha
soo socda uu booqday qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa isaga oo lugtii ugu
horeysay safarkiisan lagu soo dhaweeyay magaalada Dakar ee dalka Senegal
halkaasoo ay uga bilaabatay
booqasho Labo maalmood ah.
Sidoo kale madaxweynaha
Shinaha ayaa tagi doona dalal ay ka mid yihiin Rwanda, South Africa iyo
Mauritius, isaga oo ku hormari doona
dalka Rwanda oo maanta galinka danbe la filayo in uu gaaro.
Shiinaha ayaa marka la eego
saameyn dhaqaale oo weyn ku leh guud ahaan qaarada Africa, iyaga oo dhinaca
kalana taa badalkeeda si gaar ah isha ugu haya kheyraadka dihan ama qaarsoon ee
qaarada oo ay doonayaan in ay ka faa’ideystaan.
“Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u
qaadida xiriirka labada dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah
ee Rwanda ama dalal kale ee Africa ku yaalla” ayuu yiri danjiraha China ee
Rwanda, Rao Hongwei.
Khabiirada sida weyn ugu dhuun-daloola siyaasada
Shiinaha ee qaarada ayaa qaba in Shiinuhu siweyn ugu diyaar-garoobay
maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah
iyo ilaha dhaqaale ee wadamada Africa.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]