4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Ciidamada dowladda oo laga qaaday intaba Isgoysyada Muqdisho

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Iyadoo dhawaan guddiga Amniga Qaranka muddo 48 saac ah u qabteen in lagu furo jidadka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay waxaa laga qaaday ciidamadii ku sugnaa inta badan Isgoys-yada magaalada.

Arrintan ayaa u sahashay in uu mar kale dib u soo laabto isku socodkii gaadiidka dad-weynaha oo dhibaato weyn markii hore ku qabay xirnaashaha iyo Koontaroollada tiro dhaafka ah ee magaalada gudaheeda yaalay.

Goobaha ciidamada laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino, Florence H/wadaag, Bakaaraha illaa Tarbuunka.

Gadiidleyda qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in jidadkan dhamaantood aan lagu arag xiligan wax ciidamo ah oo qabad ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ka jawaabtay cabasho is-daba joog ah oo maalmihii ugu danbeeyay-ba ka imanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magalada Muqdisho oo sheegay in xernaashaha jidadka saameyn ku yeesheen adeegyadii kala duwanaa ee dadweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]