4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Michael Keating oo tagaya magaalada Gaalkacyo

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Wakiilka  xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa laga sugaya in uu goor dhow soo gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida uu Hiiraan Online u sheegay sarkaal sare oo maamulka degmada ka tirsan.

Booqashadan ayaa lugu wadaa Keating inay ku waheliyaan xubno kale oo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay, waxaana ay kulamo kula qaaddanayaan magaalada Gaalkacyo mas’uuliyiinta labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, waxaa kalo uu la kulmi doonnaa,Michael Keating qeybaha bulshada oo ay dhallinyarada ugu horreeyaan.

Gabagabadii, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa dhiirrigalin doonaa ciidammada isku-dhaf ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo , oo tan iyo howlgalkooda xasillooni ku soo dabaaley xarunta gobolka Mudug.

Iman Jama
[email protected]