4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sharci adag ka soo saareysa gudniinka fircooniga

 

Axad, July, 22, 2018 (HOL)– Kulan looga hadlayay dhibaatada hablaha Soomaaliyeed uu ku hayo gudniinka Fircooniga oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir in dowladdu sharci adag ka soo saari doonto arinta ku saabsan gudniinka fircooniga.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta iyo guud ahaanba mushtamaca Soomaaliyeed siweyn u hadal hayeen Gabar 10 sano jir ah gobollada dhexe ugu geeriyootay dhiig-bax ay ka dhashay gudniin lagu sameeyay, taasoo ay siweyn uga naxeen bulshada intii warkasi uu soo gaaray.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya iyo Baarlamaanka ay kala hadli doonaan soo saarista sharciyo adag si dhaqan gal ay u noqdaan sharciyaas.

Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa dhinacooda sheegay in ficilkan gudniinka fricooniga ah uusnan raad ku laheyn shareecada Islaam-ka, hasse ahaatee uu iska yahay oo kaliya dhaqan soo jireen ah oo fool xun kuna dhax faafay bulshada dhaxdeeda, waxaana ay ka digeen in lagu dhaqaaqo tallaabo aan shareecada waafaqsaneyn.

Gudniinka ayaa dhinac kasta marka la eego caafimaad ahaan dhibaato weyn ku haya hablaha Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa ay dhibaatada ugu weyn maraan xiliyada caadada [Dhiiga –Xeydka} Guurka iyo waqtiga foosha intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]