4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Ganacsade goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen magaalada Beledweyne Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali.

Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado ku dileen marxuum-ka goobtiisa ganacsi xaafadda Kooshin, gaar ahaan laanta Cilmi Loos.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay ganacsadaha, hasse ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa ergo wax ka soo dooratay mid ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ragga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ma jirto ilaa iyo hadda sheegatay dilka marxuum-ka.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan dhamaanba ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyaga oo horay u sheegtay in ay ka danbeeyeen dilal horey loogu geystay shaqsiyaad ka mid ahaa ergooyinkii kala duwanaa ee gobollada dalka ku soo doortay xildhibaannada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]