4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Guddoomiye Cirro oo dhaliilo badan usoo jeediyey xukuumaddda Muuse Biixi

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay dalkii godoon galisay,isla markaana siyaasaddii arrimaha dibadda hoos u dhac ku yimid.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkiii Soomaaliya loogu qabtay Brussels ee uu Guddoomiyaha xisbiga UCID kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya ay ka dambaysay xukuumadda Muuse Biixi .

Sidoo kale waxa uu dhaliilay wefti madax dhaqameed iyo ganacsato iskugu jirtay oo Garoowe u tagtay sidii loo joojin lahaa dagaalka Tuko raq ay xukuumaddu ka dambaysay taas oo uu ku tilmaamy mid ugub ku ah Somaliland in odayaal arrimo siyaasadeed loo diro.

“Xiligii aanu ololaha ku jirnay KULMIYE iyo Muuse Biixi waxay ku ololeeyeen dalka lagu aamino karo xisbiga WADDANI iyo Aniga, haseyeeshee gefkaasi ka dhacay kulmiye anigu raaci maayo wadadii ay raaceen waxaan leeyahay Muuse bixi iyo kulmiye dalka waynu ku aaminay waxaase aan leeyahay dalku wuxu ku jiraa xaalad dhaqaale oo adag, habacsanaan iyo kala qaybsanaan waxaanay masuuliyadaasi saaran tahay madaxweyne Muuse iyo xisbiga kulmiye jidka uu qaranku ku socdaana hadii aan laga leexin waa mid keeni kara inuu qarankani dumo.”ayuu yidhi Cirro.

Gudoomiye Cirro wuxu mar kale ku celiyey inuu kalsoonidii kala noqday Komishanka Doorashooyinka, waxaanu si weyn uga soo horjeestay inuu wali komishankii shaqaynayo maadaama oo uu ka maqan yahay xisbigii WADDANI, taas oo uu ku tilmaamay gef.

“sii joogi taanka komishanka doorashooyinka waxaanu aragnaa doorasho ma qabsoomayso masuuliyadeedana waxa qaadaya madaxweynaha Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in shirkii soomaaliya uga socday Brussels ee lagaga hadlayey arrimaha soomaaliya ay hore u sheegtay in aanay ka qaybgaleen xukuumaddu, haseyeeshee uu ka qaybgallay gudoomiyaha xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid xukuumaddu u dirtay ka qaybgalka shirkaasi.

Waxa kale ooo uu si weyn u dhaliilay siyaasadii arrmaha dibada ee Somaliland oo uu ku sheegay inay hoos u dhac ku yimid.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.