9/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Jabuuti oo dooneysa in la dhameeyo muranka dhinaca xudduuda ah ee kala dhaxeeya Eritrea


 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Iyadoo uu soo dhamaaday murankii dhinaca xudduuda ee muddo dheer-ba ka dhaxeeyay dowladdaha Eritrea iyo Itoobiya, ayeey dhinaca kale dowladda Dowladda Jabuuti ka codsatay  Qaramada Midoobay in la dhameeyo muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Maxamed Siyaaad Ducaale oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay qoraal uu u diray xoghayaha guud ee QM wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale meesha ka saarin in sidoo kale Jabuuti dooneyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go'aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Eritrea ayaa muran xudduuddeed kala dhaxeeyaa dhammaan dalalka dariska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii xafiiska loo dhaariyay-ba waxaa uu ku guuleystay in uu meesha ka saaro colaad in ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeysay dowladda yar oo ay dariska yihiin ee Eritrea, iyadoo aysan jirin cid arintaa ku gacansiisay labada hogaamiye.

Tan iyo intii heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ay gaareen dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay boggaadinta caalamka ka imaanayso iyo baaqyada ah in nabbadda la adkeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 







Click here
7/20/2018 2:00 PM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen magaalada Beledweyne Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali.

7/20/2018 10:50 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay dalkii godoon galisay,isla markaana siyaasaddii arrimaha dibadda hoos u dhac ku yimid.

7/20/2018 10:42 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL) –Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay waddad isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe duhurnimadii maanta ku weerareen gaari Homy ah oo Qaad siday.

7/20/2018 5:37 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland kaddib markii sida la sheegay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen saldhigyo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Af Urur.

7/20/2018 2:16 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Dad gaaraya ilaa 500 oo Soomaali ah ayaa ka badbaaday in laga masaafuriyo dalka Mareykanka kaddib markii Waaxda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ee loo yaqaan Home Land Security u cusbooneysiiyay sharciga TPS-ka.

7/20/2018 1:49 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

7/20/2018 1:43 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

7/20/2018 1:31 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Wasaaradda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Liiiska Argagixisada lagu diray Ururka Jamaactu Al Hijra oo sida warbixinta lagu sheegay ka howlgala dalalka Soomaaliya iyo Kenya.