4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Al-shabaab oo la wareegay deegaanka AF Urur oo ka tirsan gobolka Bari maamul gobolleedka Puntland

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland kaddib markii sida la sheegay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen saldhig-yo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Af Urur.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka Puntland ama Al-shabaab oo warka arintan ku saabsan la wadaagay warbaahinta hasse ahaatee dadka deegaan-ka ayaa sheegay in ciidamadii Puntland ee halkaa ku sugnaaa isaga baxeen, taasoo keentay in Al-shabaab ay la wareegaan deegaanka.

Dhulka Buuraleyda Gobolka Bari ayaa ah deegaanno ay ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaallo iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Deegaanka ayaa sanadkii la soo dhaafay Al-shabaab waxaa  ay ku dileen saraakiil iyo tiro badan oo ciidamo maamul gobolleedka Puntland ka tirsan, kaddib weerar culus oo ay ku qaadeen saldhiga.

Wixii ka soo kordha ee warar ah waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]