4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Soomaali la masaafurin lahaa oo sharciga loo cusbooneysiiyay dalka Mareykanka

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) –Dad gaaraya ilaa 500 oo Soomaali ah ayaa ka badbaaday in laga masaafuriyo dalka Mareykanka kaddib markii Waaxda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ee loo yaqaan Home Land Security u cusbooneysiiyay sharciga TPS-ka.

Waxaa la sheegay in aritan ay ay ku timid kaddib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Shantan boqol ee somalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka oo ah sharci badbaado KMG siinaya qaxootiga Soomaliyeed ee aanan sifo amni awgeed dalka Somalia dib loogu celin karin.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]