9/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Dowladda oo War ka soo saartay jidadka xiran ee magaalada Muqdisho


 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada una hor joogsadeen sida hadalka loo dhigay ficillada Argagixisada.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku wax-yeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/20/2018 2:00 PM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen magaalada Beledweyne Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali.

7/20/2018 10:50 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay dalkii godoon galisay,isla markaana siyaasaddii arrimaha dibadda hoos u dhac ku yimid.

7/20/2018 10:42 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL) –Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay waddad isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe duhurnimadii maanta ku weerareen gaari Homy ah oo Qaad siday.

7/20/2018 9:13 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Iyadoo uu soo dhamaaday murankii dhinaca xudduuda ee muddo dheer-ba ka dhaxeeyay dowladdaha Eritrea iyo Itoobiya, ayeey dhinaca kale dowladda Dowladda Jabuuti ka codsatay Qaramada Midoobay in la dhameeyo muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea.

7/20/2018 5:37 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland kaddib markii sida la sheegay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen saldhigyo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Af Urur.

7/20/2018 2:16 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Dad gaaraya ilaa 500 oo Soomaali ah ayaa ka badbaaday in laga masaafuriyo dalka Mareykanka kaddib markii Waaxda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ee loo yaqaan Home Land Security u cusbooneysiiyay sharciga TPS-ka.

7/20/2018 1:43 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

7/20/2018 1:31 AM EST
Jimco, July, 20, 2018 (HOL)–Wasaaradda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Liiiska Argagixisada lagu diray Ururka Jamaactu Al Hijra oo sida warbixinta lagu sheegay ka howlgala dalalka Soomaaliya iyo Kenya.