4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2018
Wariye Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday magaalada London

 

Jimco, July, 20, 2018 (HOL) – Waxaa isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

Laakiin waayadii ugu danbeeyay yoonis waa uu ka fariista ka shaqeynta Warbaahinta isaga oo ahaa la taliye sare oo dhinaca Warfaafinta iyo guud ahaanba warbaahinta u ahaa xukuumadda Somaliland.

Marxuum-ka ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyayb uu xanuunsanaa isaga oo lagu daweynayay isbitaal ku yaala magaalada London oo uu ugu danbeyntii xalay ku geeriyooday.

Saciid Cali Muuse oo ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen Wariye Yoonis ayaa sheegay in mudo dheer-ba uu ka cabanayay marxuum-ka xannuun dhinaca beerka ah oo ugu danbeyntii uu u geeriyooday.

Yoonis waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha ugu qibrada badan mihnada saxaafadda guud ahaan, sidoo kalana waxaa uu ka mid ahaa marka laga hadlayo dhinaca tabinta Barnaamijyada iyo wararka wariyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]