4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Guddiga doorashada madaxa-bannaan oo kulan wadatashi ah ku qabtay degmada Baraawe Sawirro

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Waxaa Magaalada Baraawe Gaarey Gudiga doorashooyinka Qaran oo ay Hogaamineysey gudoomiyaha Guddiga waxaana Garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyey madaxda degmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas .

Ujeedka Booqashada ayaa ahaa  sidii cadka ku nool magaalada Baraawe lagala tashan lahaa Qaabka doorashada qof iyo Cod ee Sannadka 2020, wuxuuna Kulankaa la tashiga uu daba socdaa Kulamo maalmahaan uu Guddiga doorashada Qaran uu la yeelanay bulshada ku nool gobolada iyo degmopoyinka dalka.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Soomaalieed Xaliimo  Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo ka hadashey Kulankaas la tashiga ahaa ayaa waxay sheegtay in ujeeddada kulanka uu yahay siddii dadweynaha ku nool magaalada Baraawe ay u soo gudbin lahaayeen Aragtidooda ku saabsan doorashada sannadka 2020 ee ka dhici doonta dalka Soomaaliya waxey sii raacisey Xaliimo Yareey “Waxaa idiin soo jeedinayaa in aad ka faaideysataan casharada la qaadanayo sidoo kale  waxaan idiin ku baaqayaa in aad ku biirisaan Fikirkiina ku aadan doorashada Soomaaliya ee qof iyo Cod”

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose Aadan Cumar Madoobe oo ka hadley kulankas la tashiga ah ayaa  waxaa uu u Mahad-celiyey Guddiga Qaranka ee doorashooyinka Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqey in imaanshaha Gudiga Doorashada ay astaan iyo yadidiilo u tahay doorashao dhacda dalka Soomaaliya sannadka 2020.

Waxaa kaloo Kulankaas ka  hadlay Gudoomiye ku -xigeenka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf waxaana uu yiri ”waxaa  Faraxad nooga in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar maadaama loo diyaargaroobayo doorasho qof iyo Cod sidaa darteed waxaan u mahadceliyayaa gudiga doorashada Qaran  oo dadaal ugu jira doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyey  in ay  faraxad tahay in Soomaaliya ay ka gudubka Habka qabiilka loona gudbo habka xisbiyada badan.

Aamina Cali Siidow oo ah gudomiyaha haweenka degmada Baraawe oo ka hadshay madasha la tashiga ayaa u Mahad-celisey gudiga Qaranka ee Doorashooyina waxaana ay carabka ku balaarisey in ay haween ahaan ay diyaar u yihiin in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo deegaanada hoos yimaada degmada Baraawe

Nabadoon Cabduqaadir Abuukar Gameele oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu yiri “Waa Guddigii ugu horeeyay ee ka socda Qaranka Soomaaliya ee yimaada degmada Baraawe marka waxaan u rajeyneynaa in ay ku guuleystaan howlaha ay Qaranka u hayaan.

Nabadoon Cabdirashid Cali Geele (Daarood) oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka Hadley ayaa yiri “waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed ay sugan karaan amnigooda sida darteed waxaa aad u soo dhaweynayaa dadaalka guddiga doorashada waxaana uu sheegey incaqabadaha taagan looga gudbi karaa Isku duubnaan iyo watashi    

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa hore u tagey magaalooyinka   Baydhabo, Beledweyne  Xudur, Kismaayo, Garbahaareey, Dooloow, Jowhar, Cadaado iyo Baraawe waxaana u Qorsheysan in ay tagaan magaalooyin kale si bulshada wax looga weydiiyay arimaha doorashada 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]